Al-Shabaab iyo xoolo dhaqato ku dagaallamay gobolka Gedo

Image

25 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Warguduudo oo Dhanka bari 70km ka xigta degmada Ceelwaaq, ayaa sheegaya inay ku dirireen mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo xoolo dhaqato.

Dagaalka labada dhinac ayaa keenay ismaan dhaaf ka dhashay xoolo Al-Shabaab weydiisteen reer guuraga kuwaasi oo ugu magac dareen Sako.

Reer guuraga Sakada la weydiistay, ayaa ku gacan sayray dalabka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal sababay dhimashada labo oo ka tirsan xarakadaasi sida dadka deegaanku sheegayaan.Dhinaca Al-Shabaab kama hadlin arrintan.

Horay maamulka Jubbaland ayaa dagaal lagalay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo watay xoolo lagu tilmaamay Sako oo ka soo aruuriyeen dadka ku nool meelaha uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan dadka deegaanka ka qaada xoolo Sako lagu sheegay oo mallayshiyaadku ka dhigtaan sahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM