Al-Shabaab iyo xoolo dhaqato ku dagaallamay gobolka Gedo

Image
Image
Image
Image
Image

25 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Warguduudo oo Dhanka bari 70km ka xigta degmada Ceelwaaq, ayaa sheegaya inay ku dirireen mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo xoolo dhaqato.

Dagaalka labada dhinac ayaa keenay ismaan dhaaf ka dhashay xoolo Al-Shabaab weydiisteen reer guuraga kuwaasi oo ugu magac dareen Sako.

Reer guuraga Sakada la weydiistay, ayaa ku gacan sayray dalabka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal sababay dhimashada labo oo ka tirsan xarakadaasi sida dadka deegaanku sheegayaan.Dhinaca Al-Shabaab kama hadlin arrintan.

Horay maamulka Jubbaland ayaa dagaal lagalay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo watay xoolo lagu tilmaamay Sako oo ka soo aruuriyeen dadka ku nool meelaha uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan dadka deegaanka ka qaada xoolo Sako lagu sheegay oo mallayshiyaadku ka dhigtaan sahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM