Al-shabaab oo deegaano gobolka Bay ka tirsan isgaarsiinta ka jartey

Image

December 8, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya  in Ururka Al-shabaab xiray qaar kamid ah xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Deegaanada khadka telefoonka laga jaray waxaa kamid ah Ufurow iyo Diinsoor.

Lama oga sababta Al-shabaab go'aankan isaga ah u qaadatey haseyeeshee waxay kooxdu inta badan jartaa khadka isgaarsiinta xilliyada ay ka war hesho dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dhankeeda kusoo wajahan ama ay doonayso inay iyadu dhaq dhaqaaq samayso.

Sanad kahor, Al-shabaab waxay internetka moobillada laga isticmaalo ka mamnuucay dhamaan deegaanada ay ka taliso, kadib markii ay soo wajahday cabsi dhanka basaaska ah, duqeymaha diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykuna kordheen.

Telefoonnada gacanta ee casriga ah ayaa marka khadka internetka lagu xiro waxay leeyihiin adeegyo badan oo GPSku (Global Positioning System) kamid yahay. GPS-ku (Habka Jiheynta ee Caalamiga ah) wuxuu awood u leeyahay inuu sheego meesha qofka isticmaalayaa joogo iyo weliba masaafada deegaanada kale  u jiraan.

Amarkan cusub ee Al-shabaab soo saartey wuxuu kusoo aadayaa todobaadyo kadib markii dowladda Putland ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hoggaamiyo amar ku siisey shirkadda Golis inay hawada ka saarto dhowr shabakadaha Soomaalida ee wararka laga daalacdo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM