Al-shabaab oo nin dhallinyaro ahaa ku toogatey Galguduud

Image

March 21, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud ku toogatey nin dhallinyaro ah.

Ninka oo lagu magacaabi jirey Cali Salaad Majin da'diisuna labaatan sano ahayd waxaa lagu soo eedeeyey inuu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Goob fagaare ah ayey toogashadu ka dhacday, waxaana usoo daawasho tegey boqollaal dadweyne ah.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in ninkaas dil lagu xukumey maadaama uu qirtey dembiga lagu soo eedeeyey.

Qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo halkaas dadka kula hadlay ayaa uga digey inay la shaqeeyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo bishii March ee sanadkii hore toogatey ku dhowaad labaatan qof oo badankooda lagu soo eedeeyey inay basaas ahaayeen. Dadka la diley waxaa sidoo kale ku jirey rag iyo dumar la sheegay inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM