Al-Shabaab oo sheegatay dilka 7 ka mid ciidamada Kenya

Image

15 December, 2015(GO)-Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay dileen 7 ka mid ah ciidamada Kenya, kadib weerar ay ku qaadeen bar Kantarool oo ku taalla Waqooyi Bari Kenya gaar ahaan degmada Mandheera.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamtay inay jiraan dhaawac soo gaaray ciidamada, oo kuguda jiray howlo amni oo ay ka wadeen xuduuda Somalia iyo Kenya.

Balse war ka soo baxay saraakiisha amniga Dowladda Kenya ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen in dhaawacyo soo gaareen ciidamadooda balse aysan jirin dhimasho.

Weerarka ayaa yimid maalin ka dib markii mid kamid ah askarta Kenya la dilay labo kalana lagu dhaawacay weerar Shabaab ku qaadeen kolonyo marayay meel ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM