Al-Shabaab oo sheegatay dilka 7 ka mid ciidamada Kenya

Image

15 December, 2015(GO)-Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay dileen 7 ka mid ah ciidamada Kenya, kadib weerar ay ku qaadeen bar Kantarool oo ku taalla Waqooyi Bari Kenya gaar ahaan degmada Mandheera.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamtay inay jiraan dhaawac soo gaaray ciidamada, oo kuguda jiray howlo amni oo ay ka wadeen xuduuda Somalia iyo Kenya.

Balse war ka soo baxay saraakiisha amniga Dowladda Kenya ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen in dhaawacyo soo gaareen ciidamadooda balse aysan jirin dhimasho.

Weerarka ayaa yimid maalin ka dib markii mid kamid ah askarta Kenya la dilay labo kalana lagu dhaawacay weerar Shabaab ku qaadeen kolonyo marayay meel ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM