Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii xerada Xalane

Image

December 25, 2014 (GO)- Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo iyadu ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Af-hayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay weerarka fuliyeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo ku guuleystey inay xarunta gudaha u galaan islamarkaana diley askar badan ka tirsanaa AMISOM qaar kalena dhaawaceen.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in weerarka lagu soo beegay xilli xaflad ciidka Christmas-ka lagu xusayey gudaha xarunta ka socotey looguna aargudayey hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Cali Dheere wuxuu ugu dambeyntii ku hanjabey in weerarada caynkan ahi sii socon doonaan si joogto ahna loo bartilmaameedsan doono ciidamada shisheeye ee kusoo duuley Soomaaliy waa sida uu hadalk u dhigaye.

Dhanka kale af-hayeenka ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM Kol. Paddy Ankunda ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in uusan jirin haba yaraatee wax khasaare ah oo ciidamada AMISOM kasoo gaarey weerarkii maanta.

Xerada Xalane oo ah goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo waxay kaabiga ku haysaa garoonka diyaaradaha halkaasoo ay ku yaalaan inta badan xafiisyada hay'adaha Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka reer galbeedka.

Al-shabaab ayaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 waxaa laga saaray badi deegaanadii ay kaga sugneyd koonfurta dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM