Shabaab oo sheegatay weerarka Cadaado, DF oo war kasoo saartay

Image

June 18, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar goor hore oo saaka ahayd lala beegsaday xarunta ay magaalada Cadaado ka deggen yihiin ergooyinka ka qayb gelaya shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab oo soo xiganeysa saraakiil sar-sare oo ka tirsan kooxda, ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen ugu yaraan afar dagaal-yahan, loona fuliyey sidii qorshuhu ahaa, waa sida Al-shabaab hadalka u dhigtaye.

Dhanka kale, af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladdu fashiliyeen weerar Al-shabaab qorsheynaysey inay la beegsato hoyga ay ergooyinku Cadaado ka deggen yihiin.

Af-hayeenku wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaasi sababay marka laga reebo kooxdii weerarka soo qaaday oo dhammaantood ay ciidamadu toogteen.

Sidoo kale, Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka ayaa u sheegtay warbaahinta Dowladda Federaalka ee Radio Muqdisho in dhammaan ergooyinku nabad qabaan, wax dhibaato ahina soo gaarin.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac, ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhacay. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee Al-shabaab ay fuliso bilihii u dambeeyey.

Ku dhowaad 400 oo qof oo isugu jira madax dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan magaalada Cadaado, halkaasoo muddo todobaadyo ah uu ka socdo wejiga labaad ee shirka  maamul u sameynta gobolka Galguduud iyo Koonfurta Mudug. Ergooyinka maanta la weeraray ayaa shalay oo Arbaco ahayd ansixiyey dastuurka uu maamulkaasi yeelan doono. HALKAN KA EEG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM