Al-shabaab oo sheegatey mas'uuliyada dadkii lagu laayey buska

Image

Sabti, November 22, 2014 [GO]-Warsaxafadeed kasoo baxey ururka Al-shabaab ayaa lagu shegeey in ururkooda ka dambeeyey weerarkii lagu qaadey saaka aroortii dad Rayid ahaa oo saarnaa Bus mareyey meel ku dhow duleedka magaalada xadka ku taal ee Mandheera.

Qoraal lasoo dhigey barta Twiter-ka kaasoo uu ku sixiixnaa afhayeenka ururkaas Cali Maxamud Raage ayaa lagu sheegey in weerarkaan ay gaysteen kooxdaan islamarkana loogu aarayey muslimiinta magaalada Mombaza kuwaasoo dhowaan waxyeelo loo gaystey waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkaan loo gaystey Baskaan oo ku sii jeedey magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu diley 28 qof kuwaasoo u badnaa shaqaale dowladeed oo rabey iney qoysaskooda lasoo qaateen fasaxyada ciida Masiixiga ee bilaha November iyo December.

Afhayeen u hadley ururka Bisha Cas oo diidey magaciisa ayaa saxafada u sheegey in dadkaan markii la laynayey loo kala saarey muslim iyo Christian.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. 

Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey. 

Hoos ka akhriso fariintaan oo ku qoran afka Ingriiska

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM