Al-shabab oo sheegatey mas'uuliyadad qaraxa hotel Central
MUQDISHO Feb 20,2015 [GO]- Afhayeen u hadley ururka Al-shabaab ayaa u sheegey saxaafada iney ka dambeeyeen qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaadey maanta Hotel ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo loo adeegsadey baabuur qarax ka buuxo iyo qof isa soo miidaamiyey ayaa lagu qaadey hotel Cenral ee ku yaal degmada Xamar Weyne.
"waxaan dilney 20 ka tirsan saraakiisha dowladda gaalowdey, waxey isugu yimaadeen halkaas iyaga oo u maleynaya iney ka badbaadayaan mujaahidiinta." ayuu yiri afhayeen u hadley ururka Al-shabab Cabdulcasiis Muscab.
Weerarkan lala beegsadey Hotel Central ayaa wararku sheegayaan iney ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad isugu jira xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin iyo Ra'isal wasaare ku-xigeenka cusub ee dowlada Federaalka Somalia.
GAROWEONLINE