Al-shabaab oo sheegtay gacanta ku haynta askar Uganda u dhalatay

Image

09 September, 2015(GO)-Urur Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku haysato askar u dhalatay dalka Uganda, kuwaas oo ay ku qabteen weerar ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Jannaale.

Afhayeenka howlgallada milateriga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlayay Idaacad ku hadasha afka kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii Jannaale ku soo qabteen askar nool una dhashay dalka Uganda.

Abu Muscab ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee askarta ay gacanta ku hayaan waxaana uu sheegay in dhawaan soo bandhigi doonaan Sawirrada iyo magacyadooda si loo xaqiiqsado sheegashada gacan ku haynta askartaasi.

Ilaa hadda dowladda Uganda kama aysan hadlin sheegashada Al-shabaab ee ah inay gacanta ku hayaan askar ka soo jeeda dalka Uganda.

Weerar ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamadamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Jannaale, waxay sheegeen inay ku dileen ilaa 50 askari, halka Uganda ay beenisay oo sheegtay in laga diley 12 askari oo kaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM