Al-shabaab oo sheegtay gacanta ku haynta askar Uganda u dhalatay

Image

09 September, 2015(GO)-Urur Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku haysato askar u dhalatay dalka Uganda, kuwaas oo ay ku qabteen weerar ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Jannaale.

Afhayeenka howlgallada milateriga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlayay Idaacad ku hadasha afka kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii Jannaale ku soo qabteen askar nool una dhashay dalka Uganda.

Abu Muscab ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee askarta ay gacanta ku hayaan waxaana uu sheegay in dhawaan soo bandhigi doonaan Sawirrada iyo magacyadooda si loo xaqiiqsado sheegashada gacan ku haynta askartaasi.

Ilaa hadda dowladda Uganda kama aysan hadlin sheegashada Al-shabaab ee ah inay gacanta ku hayaan askar ka soo jeeda dalka Uganda.

Weerar ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamadamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Jannaale, waxay sheegeen inay ku dileen ilaa 50 askari, halka Uganda ay beenisay oo sheegtay in laga diley 12 askari oo kaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM