Al-shabaab oo soo weerartay fariisinkii ciidanka DF ee Raage Ceele

Image

July 13, 2015 (GO)- Ugu yaraan todoba qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal goor hore oo saaka ahayd ka dhacay deegaanka Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana socdey muddo labo saac ku dhow, wuxuu bilowdey kadib markii kooxo ka tirsan Shabaabku weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimo ciidamada dowladdu deegaankaas ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyaadka Al-shabaab muddo kooban la wareegeen deegaanka, inkastoo ay markii dambe dib uga baxeen.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM oo iyaguna fariisin ciidan kuleh duleedka tuulada, ayaa lagu soo warramayaa inaysan dagaalka si toos ah uga qayb gelin balse ay madaafiic soo ridayeen iyagoo sal-dhiggooda ku sugan.

Dowladdu weli wax war ah kama soo saarin dagaalka saaka dhacay, balse af-hayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegan in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Raage-Ceelle, islamarkaana khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada dowladda hub iyo gaadiidna ka qabsadeen.

Raage-Ceelle wuxuu kamid yahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo sanadkii hore Al-shabaab laga saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM