Al-shabaab oo tobanaan qof duleedka Baydhabo ka afduubatey

Image

Januay 27, 2015 (GO)- Mileeshiyaad ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay tobanaan qof oo rayid ah ka afduubteen tuulada Goof-guduud oo hoos tagta degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Axmed Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha deegaanka Goof-guduud, ayaa sheegay in dadka la qafaashay oo isugu jirey xoolo dhaqato iyo beeraley tiradoodu gaareyso dhowr iyo afartan qof.

Wuxuuna intaas ku daray in dadkaas oo dhamaantood ah rayid aan waxba galabsan ay kaxeysteen mileeshiyaad ka tirsan al-Shabaab, iyagoo sii deyntoodana ku xirey madax furasho gaareysa 10,000,000 Sh. So  (toban milyan oo shilin ) una dhiganta $500.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Goof-guduud wuxuu baaq u diray Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo codsaday in dib xoriyadooda loogu soo celiyo la-haysteyaasha.

Dhanka al-Shabaab weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan arintan.

Kooxda oo lumisey ilihii muhiimka ahaa ee dhaqaaluhu kasoo geli jirey, waxay si joogto ah lacag uga qaadaa dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda isugu jira ee ku sugan deegaanada ay weli ka arimiso.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey al-Shabaab ka saarey deegaano badan oo ay kuufurta Soomaaliya kaga sugneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM