AlShabaab oo weerar ku qaadey garoonka Balidoogle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa Isniinta maanta ah waxay sheegatay in ay weerar ku qaadey saldhiga Ballidogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ku bilowday qarax gaari ayaa waxaa xigay dagaal toos oo ay dhex-maray dagaalameyaal iyo ciidamadda.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay gulufkan oo aysan wax war ah kasoo saarin dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Xeradda Ballidogle oo qiyaastii 90 KM dhanka Galbeed kaga aadan magaaladda caasimada ee Muqdisho ayaa xarun u ah ciidanka Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya.

Garoonkan ayaa la sheegayaa in uu kamid yahay meelaha ugu badan oo ay joogaan ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo boqolaal ah.

Si lamid ah, waxaa la rumeysan yahay in uu yahay meelaha ay ka duulaan diyaaradaha weerarka cirka ah ka fuliya koonfurta dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Ciidamo kale oo ajaaniib ah, kuwaasi oo ka socda wadamada xulufada la ah Mareykanka ayaa kamid xoogaga ku sugan saldhiga oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM