AlShabaab oo weerar ku qaadey garoonka Balidoogle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa Isniinta maanta ah waxay sheegatay in ay weerar ku qaadey saldhiga Ballidogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ku bilowday qarax gaari ayaa waxaa xigay dagaal toos oo ay dhex-maray dagaalameyaal iyo ciidamadda.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay gulufkan oo aysan wax war ah kasoo saarin dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Xeradda Ballidogle oo qiyaastii 90 KM dhanka Galbeed kaga aadan magaaladda caasimada ee Muqdisho ayaa xarun u ah ciidanka Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya.

Garoonkan ayaa la sheegayaa in uu kamid yahay meelaha ugu badan oo ay joogaan ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo boqolaal ah.

Si lamid ah, waxaa la rumeysan yahay in uu yahay meelaha ay ka duulaan diyaaradaha weerarka cirka ah ka fuliya koonfurta dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Ciidamo kale oo ajaaniib ah, kuwaasi oo ka socda wadamada xulufada la ah Mareykanka ayaa kamid xoogaga ku sugan saldhiga oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM

Xasan Sheekh oo Mucaaradka ku Eedeeyay Inay Carqaladeynayaan Doorashooyinka Dadweynaha

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa difaacay isbeddellada doorasho.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 05:54AM