Al-shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ciidamada Jubaland

Image

14 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo magaalada Kismayo ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab xaley 13 Nov,2015 weerar ku qaadeen xero ciidamada Daraawiishta Jubaland dagan yihiin.

Kuliyadii hore ee ciidamada Cirka oo ku taal duleedka magaalada Kismayo ayaa weerarkan ka dhacey iyadoo wararku sheegayaan  in kooxda Al-Shabaab u suurtagali waydey iney qabsadaan xeradaas kadib markii ciidamada ku sugnaa iska-caabin xoogan kala kulmeen.

Dagaalkaan ayaa guud ahaan dhimashada gaareysaa 15 qof halka dhaawacayada yihiin 25 qof.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley wasiiirka amniga Jubaland ayaa u sheegey in dagaalkaas kaga dhinteen 9 Askari halka ay ka dhaawacantey 7 Askari.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM