Al-Shabaab oo weerartay wafdi ka socda dowlada Federaalka

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray meel qiyaastii 7 KM u jirta magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isla socda iyo kooxda Shabaab oo dhinac kale ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhashay kadib markii kolonyo ciidamada dowladda oo gelbinaayay wafdi ayaamahanba deegaanka Ceel Cali joogay ay dhexda u galeen kooxda al-Shabaab,halkaasna dagaalka uu ku billowday.

Laba askari oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku dhaawacmeen, iyadoo saraakiil dowladda ahina ay sheegeen inay khasaare kale u geysteen kooxda al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur, kana mid ahaa xubnaha wafdiga, ayaa VOA u sheegay in xaaladdu ay deggan tahay, islamarkaasina halkii lagu dagaallamay ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xigasho: VOA

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM