Al-shabaab: sarkaalkii la qabtay anaga nagama tirsaneyn

Image

December 28, 2014 (GO)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in uusan iyaga ka tirsaneyn sarkaal lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Xirsi oo shalay isu soo dhiibey ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Ceelwaaq.

Qoraal Al-shabaab ku daabacday internetka ayaa lagu sheegay in ninkaasi muddo sanad iyo bar laga joogo kahor ka goostay Al-shabaab islamarkaana wadashaqeyn toos ah la lahaa Dowlada Federaalka, waa sida hadalka loo dhigaye.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen. 

Xilal badan ayuu kasoo qabtay kooxda waxaana kamid ahaa: madaxa sirdoonka geeska Afrika, madaxa wilaayaadka (gobollada) iyo abbaanduulaha guud ee ciidamada Al-shabaab.

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo Sakariye Ismaaciil kamid ahaa.

Si kastaba ha ahaatee isa soo dhiibista sarkaalkaas ayaa kusoo aadey maalin kadib markii Al-shabaab weerar qorsheysan oo khasaare badan dhaliyey ku qaaday saldhiga ugu weyn ciidanka AMISOM ee Xalane.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM