Shabaab oo weerarro aargoosi ah qorshaynaysa iyo dowladda oo ka digtey

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014] Wasiirka Amniga Soomaaliya Jen. Khaliif Axmed Ereg, ayaa digniin ka soo saaray weerarro ay Al-Shabaab qorshaynayaan in ay ka fuliyaan qaybo ka mid ah dalka, kuwaasoo aargoosi u ah dilka hoggaamiyihii kooxdaas Axmed Cabdi Godane.

Wasiir Khaliif ayaa sheegay in Hay‘adaha Sirdoonka Soomaaliya ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay doonayaan inay weerarro ka geystaan xarumaha dowladda iyo goobo kale oo ay kamid yihiin xarumaha caafmaadka iyo  waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalka.

”Dowlada Soomaaliya waxay ka hortagaysaa weerarada ay damacsanyihiin Al-Shabaab waxaana haatan heegan aan galinay ciidamada ammaanka dhamaantood" Jen. Ereg ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale, Wasiirka Amnigu wuxuu ugu baaqay dadweynaha in ay gacan ka geystaan sidii ammaanka loo sugi lahaa, gacantana loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo qorsheynaysa inay khalkhal geliso nabadgelyada dalka.

Axmed Cabdi Godane oo lixdii sano ee lasoo dhaafay hoggaamiye u ahaa Ururka Al-shabaab oo xiriir laleh ururka Al-qaacida, wuxuu ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo ay deegaanka Haawaay ee ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ay ku fuliyeen diyaaradaha Maraykanku.

Dowladda Maraykanka ayaa shalay oo Jimce ahayd shaacisay in la xaqiiijiyey geerida Axmed Godane, ninkaasoo in muddo ah lagu raad joogay horayna loogu ballan qaaday ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay lacag gaareysa todoba milyan oo doolar.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa dilka hoggaamiyaas ku tilmaamay guul usoo hoyatay Soomaaliya, wadamada gobolka iyo caalamka oo dhan.

Garowe Online, Xafiiska Muqdisho.

Related Articles

Rooble: Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekh kama aqbalayo

Rooble ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ee mustaqbalka ay tahay in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo waqtigooda ku dhacda.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 09:06AM

Xasan Sheekh: Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowladda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 04:38PM