Al-Shabab oo Buulobarde looga banaan baxay

Image
Image
Image
Image

Sept 11, 2014 (Garowe Online)- Shacabka ku nool degmada Buuloberde ee gobalka Hiiraan ayaa dhigay banaanbax ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin ficillada Ururka Al-Shabab.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, Taliyaha Ciimadda AMISOM ee Jabuuti iyo mamulka Degmada Buuloberd ayaa la hadlay dadka banaanbaxa kasoo qayb galay waxayna ku tilmaameen inuu yahay taariikh dadku ay ku muujinayaan inay ka xun yihiin dagaalada kooxdu ay ka wado Somalia.

Dadkan ayaa watay boorar ka dhan ah Al-Shabab waxayna qaarkood oo warbaahinta gudaha la hadlay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in degmada laga nadiifiyo ururka isla markaasna ay dib usoo laabato wada shaqayntii mamulka iyo shacabka ka dhaxaysay.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay dagaal yahanada Al-Shabab inay isticmaalaan daroogo ayna muhim tahay sidii dagaal adag loola gali lahaa isla markasna looga qabsan lahaa meelaha ay wali kaga harsan yihiin gobalka Hiiraan.

Taliyaha ciidamadda AMISOM ee Jabuuti ayaa dhankiisa balan qaaday inay sii xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab ee Gobalka Hiiraan, wuxuuna sheegay in taageerada shacabku ay lagama maarmaan tahay.

Howlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa saamayn ku yeeshay dagaaladii kooxda Al-Shabab waxana labadii todobaad ee lasoo dhaafay kooxda lagala wareegay magaalooyin muhiiim ah sidoo kale waxaa duqayn cirka ah lagu dilay hoggaamiyahoodii Axmed Godane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM