Al-Shabab oo hoggaamiye cusub dooratay

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014] Ururka Al-Shabab ee xiriirka dhow la lah Al-Qaacida ayaa markii ugu horaysay xaqiijiyay inuu dhintay hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Cabdi Godane.

Qaar ka mid ah warbaahinta taageerta Al-Shabab ayaa lagu qoray in kooxda loo magacaabay hoggaamiye cusub kaasoo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu Cubayda, wuxuna soo noqday wakiilka Al-Shabab ee Gobalka Bakool.

Hogaamiyihii mayalka adkaa ee geeriyooday Godane ayaa kooxda soo xukumayay tan iyo markii uu dhintay Aadan Xaashi Cayrow 2008 waxana lagu tilmaamaa inuu ahaa Axmed Godane ruux go'aan adag.

Duqayn cirka ah oo Maraykanku ka gaystay Gobalka Shabeelada hoose todobaadkii hore ayuu ku dhintay Axmed Cabdi Godane.

Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa durba bilowday dadaalo lagu adkaynayo ammaanka magalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya kooxdu inay u aargudayso hoggaamiyahoodii ruuxiga ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM