Al-shabab oo ka baxay Kudhaa iyo ciidanka jubaland oo la wareegey

Image

March 22, 2015 (GO)- Ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa goor hore oo saaka ah la wareegey deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey xoogag Al-shabaab ka tirsani ku sugnaayeen.

Ciidamada is garabsanaya ayaa si nabad ah Kudhaa kula wareegey kaddib markii mileeshiyaadka Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay ay deegaankaas isaga baxeen.

Kudhaa ayaa ah goob muhiimad gaar ah ku fadhida marka la eego juqraafi ahaan halka ay dhacdo iyo weliba inay leedahay deked macmal ah, taasoo horay Shabaabku ugu adeegsan jireen inay dhuxusha ka dhoofiyaaan islamarkaana la rumeysan yahay inay hubka kala soo degi jireen.

Roobabka Guga ee ka curtey qaybo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan hawlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, maadaama dhiirigu caqabad ku noqon doono dhaq dhaqaaqa ciidamada.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dul heehaabayaan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Kenya ayaa kusoo dhowaadey xeebta.

Ciidamada Jubaland ayaa Al-shabaab ka saarey deegaankaas October 25, 2014  balse Shabaabka oo duullaan rogaal celis ah soo qaadey ayaa dib ula wareegeey mar kale November 8, 2015.

Dadka ku dhaqan Kudhaa ayaa u badan kalluumeysato noloshooda ku maareeya wax soo saarka badda, waxayna kalluunka u dhoofiyaan dalka Kenya.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM