AL-Shabaab oo la wareegtay Jaziiradda Kudhaa

Image

November 8, 2014 (GO)- Dagaal yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saakay xili hore weerar ku soo qaaday jasiiradda Kudhaa oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaal socday seddex saacadood ayaa ka dhacay gudaha jasiirada waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigtay Al-Shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo ku sugan Kudhaa ayaa GO u xaqiijiyey in ciidamada maamulka Jubba halkaas isaga baxeen isagoo intaas raaciyey in dagaalku geystey khasaare badan oo labada dhinac soo kala gaarey.

Isgaarsiinta ayaa ka maqan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, waxaana adag in xiligan xog sugan laga helo khasaaraha uu dagaalkaasi geystey.

Al-Shabaab ayaa awoodoodo cidan iskugu geeyay Jubbooyinka kaddib markii laga saaray gobolo badan oo kamid ah koonfurta Soomaliya sidaa awgeed Kudhaa waa magaladii labaad oo ay dib u qabsadaan.

Deeganada lagu dagaalamayo waxaa maalmihii u dambeeyey ka da'ayey roobabka Deyrta taasoo keentay in  isu socodka gaadiidku hakad galo.

Kudhaa waa jasiirad leh deked macmal ah oo Al-shabaab ka dhoofin jireen dhuxusha, waxaana todobaadyo kahor  gacanta ku dhigay ciidamada maamulka Jubbaland ayadoo ciidamada Kenya duqeymo ka geesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM