Al-shabab oo la wareegtay saldhigga AMISOM ee Jannaale
1 September, 2015(GO)-Faah-faahinta laga helayo deegaanka jannaale oo qiyaastii 90-km Koonfur kaga beegagn magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen kooxda Al-shabaab saldhiga ay daganayeen ciidamada AMISOM.
Lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatey balse war ka soo baxay ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay dileen kudhawaad 50 askari, halka ay gacanta ku hayaan saldhigii ay weerareen.
Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay inaysan jirin wax saldhig ah oo laga qabsadey iyo hub lagala wareegay, balse saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia ee ku sugan Janaale ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigaasi lagala waregay ciidamada Midoga Afrika.
Xaalada deeganka Jannaale aya haatan dagan waxaana goob jooge u waramay Garoweonline oo diidey in magacisa la shaaciyo uu sheegay inuu weerarku dhacay saaka xilliga Salaadda Subax oo uu ku bilowday gaari lagu ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay xero ay ku sugnaayeen ciidamo ka socda Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.
Ma ahan weerarkii ugu horeyay ee noocaan ah oo lala eegto AMISOM.
GAROWEONLINE