Somalia: Al-shabab oo laga qabsaday Baardheere

Image

July 22, 2015 (GO)- Ciidamada Dawlada Somaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawlada oo  lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in gudaha magaalada ay galeen labadii duhurnimo.kadib markii Alshabaab ay isaga baxeen magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inaan lagu dagaalamin magaalada gudeheeda, balse bannaanka ciidamadu iska caabin aan sidaa u cuslayn kala kulmeen Alshabaab.

Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidamada huwantu saldhigyo ka samaysanayaan bannaanka magaalada.

Baardheere oo ah magaalo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay wax-soo-saarka beeraha, waxaa shantii sano ee ugu dambeeyey ka arriminayey Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM