Al-shabab oo muddo kooban qabsaday masjid ku yaalla Kenya

Image

Dalka Kenya, hogaamiyayaal deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay qabsadeen muddo kooban masaajid ku yaal magaalada Gaarisa.

Kooxda Shabaab ayaa lagu soo warramay inay muddo labo saacadood ah la hadleen jameecada masaajidka ka hor intaysan duurka galin. Waxay dhaliileen mas'uuliyiinta Kenya iyagoo u digay kuwa u jaajuusaya dowladda.

Bishii hore ayey Al-shabaab qabsadeen jaamacadda Gaarisa ayagoo dilay ku dhawaad boqol iyo konton ruux. Kooxda oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya joogta.

Xigasho: BBC

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM