Al-shabab oo weerartey kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya

Image

May 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban 15 askari ayaa dhintey dhowr gaarina waa la gubey kadib markii Al-shabaab goor hore oo saaka ah weerartey konlonyo ciidamada Kenya ka tirsan oo marayey meel u dhow deegaanka Faafi oo hoos taga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada la weeraray oo watey afar gaari ayaa kusii jeeday tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen.

Gelenkii hore ee shalay waxaa isla deegaanka Yuumis ku dhaawacmey saddex askari oo ka tirsan booliska Kenya, kadib markii gaarigii ay wateen ay ku qaraxdey miido jidka dhinaciisa lagu aasey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee mileeshiyo Al-shabaab ahi gudaha dalka Kenya ku weerarto kolonyo militeriga dalkaas ka tirsan.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkaas dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM