Al-shabab oo xalay soo weerartey xabsiga dhexe ee Beledweyn

Image

August 10, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe soo weerartay xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyn.

Dagaal muddo nus saac ku dhow socdey ayaa dhex maray kooxda weerarka soo qaaddey iyo ilaalada xabsiga.

Gaashaanle Maxamed Cadaay oo kamid ah saraakiisha booliska Beledweyn ayaa warbaahinta u sheegay in ilaalada xabsigu weerarkaas si xooggan isaga caabiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in wax khasaare ahi soo gaarin booliska haseyeeshee dhanka kale waxyeello xooggani soo gaartey.

"ciidamadu si xooggan ayey isaga caabiyeen kooxaha nabad-diidka...markii dambe way baxsadeen welina waa ku raad joognaa" ayuu yiri

Al-shabaab ayaa sanadkii 2011 laga saaray degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, haseyeeshee kooxda ayaa weli gacanta ku haysta deegaano dhowr ah oo gobolkaas ka tirsan.

Weerarka xalay ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyey hawlgallo militeri oo Al-shabaab ka dhan ahi ka soconayeen galbeedka gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM