AMISOM: Cabsi amni kama jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - AMISOM ayaa ka hadashay warar la isla dhex-marayay maalmahii lasoo dhaafay, oo ku saabsanaa in cabi amni ay ka jirto Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdulle Airport ee Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM, Lt Colonel Wilson Rono ayaa been abuur ku tilmaamay in cabsi xooggan oo dhanka amniga ah inay ka taagan tahay Garoonka iyo Xarunta Xalane ee Ciidamada Midowga Africa.

Warbaahinta gudaha qaar ayaa shalay baahiyay in labo Gaari oo AMISOM ah oo horey looga qabsatey ay Al Shabaab u adeegsan doonto weerar ay qorsheynayso inay ka gaysato Garoonka Diyaaradaha.

"Waxba kama jiraan wararka la sheegay ee ah in shaqada Garoonka ay hakad gashay oo laga baqayo in Al Shabaab weerar kusoo qaadayso, waa warar kuturi-kuteen ah, oo la been abuuray," ayuu yiri Rono.

Rono oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in si caadi ah ay u socoto howlaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena wax casbi ah ka qabin inay Al Shabaab soo weerarto.

Warqada lagu baahiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay in hakad la geliyay XalaneAMISOM ayaa beenisay Warqadahan lagu sheegay inay khatar amniga ka jirto Garoonka iyo Xarunta Xalane

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM