AMISOM: Cabsi amni kama jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - AMISOM ayaa ka hadashay warar la isla dhex-marayay maalmahii lasoo dhaafay, oo ku saabsanaa in cabi amni ay ka jirto Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdulle Airport ee Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM, Lt Colonel Wilson Rono ayaa been abuur ku tilmaamay in cabsi xooggan oo dhanka amniga ah inay ka taagan tahay Garoonka iyo Xarunta Xalane ee Ciidamada Midowga Africa.

Warbaahinta gudaha qaar ayaa shalay baahiyay in labo Gaari oo AMISOM ah oo horey looga qabsatey ay Al Shabaab u adeegsan doonto weerar ay qorsheynayso inay ka gaysato Garoonka Diyaaradaha.

"Waxba kama jiraan wararka la sheegay ee ah in shaqada Garoonka ay hakad gashay oo laga baqayo in Al Shabaab weerar kusoo qaadayso, waa warar kuturi-kuteen ah, oo la been abuuray," ayuu yiri Rono.

Rono oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in si caadi ah ay u socoto howlaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena wax casbi ah ka qabin inay Al Shabaab soo weerarto.

Warqada lagu baahiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay in hakad la geliyay XalaneAMISOM ayaa beenisay Warqadahan lagu sheegay inay khatar amniga ka jirto Garoonka iyo Xarunta Xalane

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM