AMISOM oo ka baxdey deegaano ka tirsan Kooonfurta Somalia

Image

MUQDISHU 3 jJuly,2015 (GO)- Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta Somalia ayaa isaga baxey degaano muhiim ah oo ku yaal Koonfurta Somalia kadib markii weeraro joogta ah kala kulmeen dagaal yanaha Al-shabaab kuwasoo xiriir la leh Al-Qacida.

Magaalooyinka ciidamada AMISOM ka baxeen ayaa waxaa kamid ah Qoryeeley iyo Awdheegle kuwasoo horey looga qabsadey ururka Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab oo horey looga qabsadey dhul farabadan ee ku yaal goboolka Shabeelaha hoose ayaa kor u qaadey weerarada uu la beegsanayo ciidamada AMISOM bishan Ramadan.

" Waxa ay ka baxeen magalaada Qoryeeley, ma jiro hal askari oo ka tirsan AMISOM oo jooga, " sidaas waxa ayiri Maxamad Xaaji Cisman oo ka tirsanaa maamulka degmadaas . Dadka degan magaladaas aya saxaafada u sheegey in ururka al-shabaab la wareegeen magaladaas markii ciidamada ka baxeen iyagoo ka taagey calankooda madow.

Dhinaca kale Awdheegle ayaa waxaa la wareegey ururka Al-shabaab kadib markii ciidamada AMISOM isaga baxeen.

Asbuucii lasoo dhaafey Al-shabaab ayaa weerar ku soo qaadey saldhig ku yalaa degaanka Leego oo 100km u jira magaalada Muqdhishu halkaasoo ay joogeen 100 kamid ah ciidamada Burindi.

Weerarkaan oo ay ka qayb qaateen 500 oo kamid ah maleeshiyaadka ururuka Al-shabaab ayaa waxaa lagu diley 80 kamid ah ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM,

Sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab Maxamad Abu Cabbdulahi oo la hadley saxaafada ayaa sheegey in dagaal yahandiisu ku faraxsan yihiin guulaha ay gaareen isaga oo sheegey in tanu tahay dhamaadkii masiixiyiinta dulaanka soo qaadey.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM