​AMISOM oo la wareegay Amniga Madaxtooyada Galmudug

Image

CADAADO, Somalia- AMISOM ayaa sheegtay in ciidankeeda ay la wareegeen maanta oo Talaado ah mas'uuliyadda Amniga Madaxtooyada maamulka Galmudug, ee magaalada Cadaado.

Ciidamado u dhashay dalalka Burundi iyo Jabuuti oo  gaaraya 400 askari, ayaa degay nawaaxiga Madaxtooyada Galmudug, kuwaasi oo sugi doonaan nabadgelyada Doorashada Aqalka hoose.

Wariye ku sugan Cadaado, ayaa u sheegay GO in ciidamada AMISOM ay sidoo kale la wareegeen amniga Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, halkaasoo ah il dhaqaale oo ay ku tiirsantahay  Galmudug.

Maamulka Galmudug oo dhawaan doortay xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka, ayaa hadda isku diyaarinaya doorashada aqalka hoose ee Xildhibaanada u matali doono Federaalka.

AMISOM ayaa sheegtay in ay sugi doonto amniga magaalooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana ciidan u dirtay magaalooyinka Jowhar, Cadaado, Kismaayo iyo Baydhobo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM