​AMISOM oo la wareegay Amniga Madaxtooyada Galmudug

Image

CADAADO, Somalia- AMISOM ayaa sheegtay in ciidankeeda ay la wareegeen maanta oo Talaado ah mas'uuliyadda Amniga Madaxtooyada maamulka Galmudug, ee magaalada Cadaado.

Ciidamado u dhashay dalalka Burundi iyo Jabuuti oo  gaaraya 400 askari, ayaa degay nawaaxiga Madaxtooyada Galmudug, kuwaasi oo sugi doonaan nabadgelyada Doorashada Aqalka hoose.

Wariye ku sugan Cadaado, ayaa u sheegay GO in ciidamada AMISOM ay sidoo kale la wareegeen amniga Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, halkaasoo ah il dhaqaale oo ay ku tiirsantahay  Galmudug.

Maamulka Galmudug oo dhawaan doortay xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka, ayaa hadda isku diyaarinaya doorashada aqalka hoose ee Xildhibaanada u matali doono Federaalka.

AMISOM ayaa sheegtay in ay sugi doonto amniga magaalooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana ciidan u dirtay magaalooyinka Jowhar, Cadaado, Kismaayo iyo Baydhobo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM