​AMISOM oo la wareegtay Amniga goobaha doorashada Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Gudiga Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in maanta oo Talaado ah dib loo billaabay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose, oo mudo 5 maamlood ah u xirnayd Khilaaf iyo Isqab-qabsi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxa'ed Cabdillaahi Xuseen Nuux, ayaa mas'uul ka ahaa Hakadka Doorashada Aqalka Hoose ee Hir-Shabeelle, kadib markii ciidan uu wato ay Fowdo sameeyeen.

Khilaafka keenay dib u dhaca Doorashada, ayaa la sheegay in la xaliyay kadib markii ay dadaallo sameeyeen Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Somalia ee waqtigu ka dhammaaday, AMISOM, UN-ka iyo maamulka Hir-Shabeelle.

Dhanka kale, Ciidamo ka socdo dalka Burundi, oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ayaa saakay la wareegay Mas'uuliyadda amniga xarunta Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ee magaalada Jowhar.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socdo dalka, ayaa aad loogu dhaliiyay Musuq-maasuq, Cod-gadasho iyo Handadaad lagu sameynayo Ergada Beelaha ee ka qeybgalaya Doorashada.

Doorashada Aqalka Hoose oo mudo 15 maalmood ka socoto Caasimadaha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle ayaa ilaa hadda waxaa lagu doortay ku dhawaad 120 Xildhibaan, oo ka qeyb ah 275-ka Xubnood ee Baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM