AMISOM oo Suldaan ku dishay Shabeelada Hoose

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelada Hoose ku dilay Suldaan caan ka ahaa deegaanka iyagoo dhaawacay labo ruux oo shacab ah.

Lama oga sababta loo dilay Suldaanka oo lagu magacaabi jiray Fiidow Sheekh Maxamed.

Ugaas Cabdulqaadir Ugaas Xuseen oo kamid ahaa waxgaradka ku nool deegaankaasi ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM iney si gardaro ah u dileen Suldaanka, wuxuuna dowlada Somalia ka dalbaday inay wax ka qabato falkaasi.

Maaha markii ugu horaysay oo ciidamada AMISOM shacab ku dilaan gobolka, dhawaan ayayna ahayd markii degmada Marka lagu dilay dad rayid ah.

Falalka xadgudubyada ah ee AMISOM ka gaysato Somalia ayaa noqday mid ku kooban Cambaarayn iyo in la baarayo balse aysan wax muuqda oo laga qaban xukuumadda Somalia oo wakiil ka ah shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM