Amneyst: Janan waa in lagu qaadaa xadgudubyada uu geystay

Image

NAIROBI, Kenya - Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amneyst International ayaa Arbacada maanta ah ka falcelisay talaabadda uu Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan isugu dhiibay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee qeybta Amneyst ee barga Afrika ayaa lagu muujiyey in ay rabaan in Janan loo maxkamadeeyo eedeymaha xadgudubyo bini'aadanimo ee loo haysto.

"Hadda Cabdirashiid Janan wuxuu ku jiraa gacanta dowladda federaalka Soomaaliya. Mas'uuliyiinta waa in ay xaqiijiyaan cadaaladda ayna kula xisaabtamaan dhamaan xadgudubyada bini'aadanimo ee uu ka geystay Gedo. Dhibaneyaasha iyo qoysaska ay saameysay waxay mudan yihiin cadaalad," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhawaqa Amneyst oo kasoo yeeray labaduba - Janan iyo dowladda Soomaaliya. Kama jawaabi codsiyo ku saabsanaa in ay shaaciyaan mowqifkooda.

Janan ayaa Arbacada maanta ah wuxuu daaha ka rogay in uu heshiis la galay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana wixii hada ka dambeeya ka shaqeynayo nabada gobolka Gedo.

Isaga oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, Janan ayaa hoos u dhigay talaabada madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uu uga xayuubiyey jagada wasiirka amniga.

Maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa uu idlaadey ayaa horey Janan waxay ugu daraan liiska dadka ay doondooneyso dowladda Soomaaliya markii uu ka diidey dalab ku aadan in uu kala shaqeeyo riditaanka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM