Amniga doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed, iyo wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa maanta ku kulmay magaaladda Muqdisho.

Shirkaan ka qabsoomay xerada Xalane oo ah fariisinka Swan iyo diblumaasiyiinta caalamka ayaa diirada lagu saarey qaabkii ay dhinacyada isaga kaashan lahaayeen ammaanka doorashooyinka soo aadan 2020-21.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Howlgalka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu fahfaahiyey qodobada kale ee lagu jeex-jeexay is-aragan ahaa mid uu albaabada u xirnaa.

"Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan wuxuu maanta la kulmay taliyaha booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, si uu ugala hadlo mawduucyo ay kamid yihiin iskaashiga daneeyeyaasha, wada-shaqeynta hay'addaha ammaanka Soomaaliya iyo qorsheynta ammaanka doorashooyinka nagu soo fool leh," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Taliska bileyska Soomaaliya oo kulanka warbixin kooban ka bixiyey ayaa tilmaamay in uu ahaa mid muhiim u ah sidii loo qorsheyn lahaa nabad-gelyo ay ku dhacdo coddeynta sida weyn aadka isha loogu hayo.

Madaxda dowlada federaalka ah iyo maamulada ayaa heshiiskooda doorashada 2020-21 waxay ku sheegeen in amniga coddenta ay iska kaashan doonan ciidamadda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ku geedaaman doorashooyinka soo aadan kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u muuqda kuwa kordhiyey howlgaladooda iskuna dayaya in ay carqaladeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM