Ankara oo ka furmay Wadahadallo ku saabsan marin-badeedka Itoobiya ka doonayso Soomaaliya

Image

ANKARA - Saraakiil ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilaabay wadahadallo farsamo oo ka furmay magaaladda Ankara si loo hirgeliyo heshiiskii 11-kii December 2024 Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed gaareen, ee lagu xaliyay xiisadii diblomaasi ee labada dal.

Wadahadallada socda waxaa qeyb ka ah codsiga Itoobiya ee marin-badeedka ay ka doonayso badda Soomaaliya. Shirka Ankara ayaa billowday kadib kulankii shalay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ku yeesheen Addis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweis, ayaa xaqiijiyay in uu ka qeybgalayo wadahadalladan, isagoo sheegay in ujeedada ugu weyn ee wafdiga Soomaaliya ay tahay hirgelinta heshiisyadii hore ee laga gaaray wadahadalladii diblomaasiyadeed.

Wadahadalladan ayaa imaanaya iyadoo Itoobiya ay sii wadato dalabkeeda ah in la siiyo marin ganacsi oo badeed oo ka yimaada dhulka Soomaaliya, taasoo keentay khilaafyo siyaasadeed oo ka jira Geeska Afrika. Janaayo 1, 2024, Itoobiya ayaa saxiixday Heshiis la xidhiidha Somaliland oo sheegaya in Addis Ababa ay heli doonto 19 kiilomitir oo xeeb ah oo ku dhow Berbera muddo 50 sano ah, heshiiskan oo keentay diidmo xooggan oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo sheegtay in heshiiskaasi uu ku xadgudbayo madax-bannaanideeda.

Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in heshiisyada badeed ay tahay in si gaar ah loo wada xaajoodo dowladda Federaalka ee Muqdisho, iyadoo heshiisyadaas ay tahay inay waafaqaan sharciga caalamiga ah. Guddiyada farsamo ee labada dal ayaa la filayaa inay qiimeeyaan suurtogalnimada in Itoobiya ay hesho marin lagu maamulo iyadoo ay jirto kormeerka dowladda Soomaaliya.

Turkiga, oo xiriirro dhow la leh Soomaaliya, ayaa horey u dhex dhexaadiyay khilaafaad gobolka ah. Inkastoo Ankara ay door muhiim ah ka ciyaartay soo saarista Bayaanka Ankara ee Diseembar 2024, hadana waxaa weli su'aal ah in Turkigu uu si firfircoon u fududeynayo wadahadalladan ama uu kaliya martigelinayo wafdiga Soomaaliya.

Natiijada wadahadalladan ayaa saameyn ku yeelan karta xariirka goboleedka iyo awoodaha siyaasadeed ee Geeska Afrika. Haddii heshiis waxtar leh la gaaro, wuxuu xoojin karaa iskaashiga dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka, laakiin haddii heshiis la gaarin, khilaafku wuxuu kicin karaa xiisado iyo taageero u sii fidin kara kooxaha hubeysan sida al-Shabaab, kuwaasoo si taariikhi ah uga faa'iideystay khilaafaadka siyaasadeed si ay u kordhiyaan xubnaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM