Aqalka Sare oo meelmariyey sharciyo ay diideen maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah fadhi caadi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka golaha, ayaa gudoomiyey kulanka oo ay ka maqnaayeen qaar kamid ah mudaneyaasha.

Ajendaha wuxuu ahaa;

Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka iyo Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka

Dood iyo warbixin kadib, Xildhibaanadda ayaa cod u qaadey labadda xeer, oo ay qaadaceen qaar kamid ah maamuladda Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka waxaa ogolaatay 29 mudane; ma jirin cid diidey iyo mid ka aamustay.

Xeerka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka waxaa ogolaatay 25 Xildhibaan, iyaddoo ay kasoo horjeesteen afar kale.

Dowlad goboleedyadda diidey sharciyaddan ayaa ku cuskanaya in aan laga talagelin iyo in ay ku jiraan qabobo baalmarsan Dastuurka.

Goleyaasha sharci-dejinta Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay mariyey xeerar, iyaggoo iska indha-tiray fariimaha maamulada oo ku doodaya in aan loo dhameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM