Aqalka Sare oo ogolaadey codsi loo gudbiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee ayaa Isniinta maanta ah kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay golaha, ayaa ahaa:

Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka(OC) iyo Guddiga Madaxa-bannan ee Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC).

Guddiyada Dastuurka oo kala ahaa Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (OC) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka

(ICRIC) ayaa waxaa laga dhageytay Warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka ,waxeyna ka codsadeen Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee BFS in si wadajir ah loo ansixiyo;

1.Habraaca Ansixinta Dastuurka iyo

2.Xeerka Dib-u-dhigista Dastuurka ee Baarlamaanka 11aad.

"Ugu dambeyntii, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa oggolaaday soojeedinta Guddiyada Dastuurka si labada Gole ee BFS ay go'aan uga gaaraan soojeedinta Guddiyada Dastuurka," ayaa lagu soo xiray qoraal kasoo baxay golaha.

Baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaa muddo xileedkiisu dhamaad yahay, iyadda oo aysan wali caddeyn masiirka doorashooyinka soo aadan ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM