Xaashi oo shaaciyey xudunta khilaafka kala dhaxeeya Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa fahfaahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey ubucda khilaafka kala dhaxeeya Golaha Shacabka.

Isagoo ka hadlayey fadhi uu guddiga joogtada ah ee Senate-ka la qaatay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, gudoomiye Xaashi ayaa tibaaxay in is-qabqabsigooda daaran yahay qodob dastuuriya.

Sidda laga soo xigtay Xaashi, muranka labada gole ayaa si gaar ah u khuseeya meelmarinta sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in uu doonayo isku-koobida ansixinta sharcigaas, dhankoodana ay rabaan in ay kaalintooda qaataan.

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in labada gole ee baarlamaanka federaalka ay wada ansixinayaan shuruucda.

"Qodobka 47 ee dastuurka ayaa oronaya doorashooyinka iyo Axsaabta diiwaan-gelintooda waxaa xeer kasoo saaraya Golaha Shacabka ma diidanin, xaq beyna u leeyihiin labada Aqalna xaq bey u yeelanayaan; laakiin maxaan meesha ku jirin oo aaney xaq u lahayn ansixinta; sharci kasta oo la sameeyo oo qabyo ah baarlamaaka ayaa ansixiya; baarlamaanka Soomaaliduna waa laba aqal," ayuu carabka ku adkeeyay.

Dhanka kale, guddoomiye Xaashi ayaa waydiistay dowlada federaalka iyo maamulada in ay golaha u aqoonsadaan doorka uu ku leeyahay wadahadala arrimaha doorashooyinka iyo go'aanada siyaaasadeed.

Sharciga la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya waxaa ka hor-yimid maamulada, xisbiyadda mucaaradka iyo daneeyeyaasha.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay damaceeda ku saleysan Xeerkan ayaa ku guuldareystay in ay xaliso is-mari-waaga labada gole, taas bedelkeeda, Farmaajo wuxuu la saftay Golaha Shacabka.

Aqalka Sare oo xubnahiisa ay soo doortaan dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ayaa metela danaha maamuladda waddanka, waxaana dastuurka caddeynayaan in kaalin ku leeyahay go'aanada masiiriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM