Aqalka Sare oo shaacisay mowqifkiisa bayaankii shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu soo dhaweynayo war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Maamuladda dalka ee Dhuusamareeb.

Dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa xusay in coddeynta 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod, kuna baaqay nooc doorasho oo loo dhan yahay kuna qabsoonta mudada u hartay dowladda haatan jirta.

Si lamid ah, maamuladda ayaa ku casuumay hogaanka dowladda federaalka shir wadatashi ah oo waqti aan la cayimin ka qabsooma Dhuusamareeb si looga wada heshiiyo nooca doorasho ee dalku galayo 2020-21.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Senate-ka oo mowqif ahaan ka akdhowaa dowladaha xubinta ka ah federaalka, ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey ku bogaadiyey talaabooyinka maamulada waddanka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Xaashi ayaa u arkay go'aanadaas "guul horudhac u ah" heshiis wadajir ah oo ay gaaraan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada "dalkana u horseedi kara deganaansho.

"Ugu dambeyntii, waxaan kaloo kalsooni ka qabaa in nuxurka kasoo baxay shirkan lagu qabtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb uu horseedi doono heshiis wadajir ah Dalka u noqda badbaado, nabad, xasilooni iyo horumar," ayuu xusay.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan wali jawaab rasmi ah waxaysan ka bixin casuumaada maamuladda ee ka qeybgalka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, mana jawaabin codsiyo loo gudbiyey.

Hoos ka akhriso bayaanka Senate-ka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM