AS oo shaacisay mowqifkeeda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga
MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay kasoo horjeedo heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.
Kooxdu waxay sheegtay in heshiisku yahay "sharci darro" oo "uu ka dhigan yahay tusaale kale oo ka mid ah hamiga gurracan ee Turkiga iyo damaca waalida ah ee gobolka."
Al-Shabaab ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaaday weeraro badan oo ka dhan ah muwaadiniinta Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya.
Maleyshiyadda ayaa waxa ay weeraradan la beegsadeen safaarada Turkiga, maadaama Ankara ay si xoogan u taageerto Soomaaliya.
Marka laga soo tago tababarka ciidamada Soomaaliya, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Turkigu bixiyo ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada Soomaaliya xilliyada ay socdaan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE