Askar howlgab ah oo loosoo daabulayo Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – In ka badan 1,000 Ciiddanka Difaaca Dadka ee Ugandha oo kamid ah askarta howlgabka noqotay ayaa dib loogu yeeray si loogu daabulo Soomaaliya, sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Gaashaanle Yusuf Bilal Katamba oo ka tirsan ururka koowaad ee ciidamada Uganda ee ilaaliya cutubyadda keydka ah ayaa shaaca ka dhigay in askarta dib loogu yeeray ay iska xaadiriyaan xeryaha ku dhow dhow berri.

Taliska ayaa xusay in askartu ay ahayd in la geeyo Soomaaliya bisha Abriil 2020, laakiin qorshayaasha waxaa carqaladeeyay aafada Covid-19. Ciidamada keydku waxay ka kooban yihiin askar si rasmi ah uga fariistay milatariga.

Ciidanka keydka waxaa la rumeysan yahay in ay ka kooban yihiin in ka badan 20,000 oo askari ah kuwaas oo hada ka amar qaata Gaashaanle Sare Charles Otema. Hawlgabyada hadda loo yeeray waxay ku qasbanaan doonaan inay qaataan afar bilood oo tababar milatari oo xoog leh si loogu diyaariyo hawlgallo culus oo milatari oo ka socda Soomaaliya oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamaya xoogaga xagjirka ah ee Al-Shabaab laga soo bilaabo 2007.

Xukuumadda Kampala ayaa si weyn waxay ugu faantaan in ciidamadeeda ay gacan ka geysteen in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Shuruudaha kale ee looga baahan yahay askariga keydka ah si loogu soo xusho howlgalka AMISOM waxaa ka mid ah; in da'daadu tahay 55-jir iyo wixii ka hooseeya, in aysan horey dambi u gelin iyo in ay haystaan aqoonsiga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM