Askar howlgab ah oo loosoo daabulayo Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – In ka badan 1,000 Ciiddanka Difaaca Dadka ee Ugandha oo kamid ah askarta howlgabka noqotay ayaa dib loogu yeeray si loogu daabulo Soomaaliya, sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Gaashaanle Yusuf Bilal Katamba oo ka tirsan ururka koowaad ee ciidamada Uganda ee ilaaliya cutubyadda keydka ah ayaa shaaca ka dhigay in askarta dib loogu yeeray ay iska xaadiriyaan xeryaha ku dhow dhow berri.

Taliska ayaa xusay in askartu ay ahayd in la geeyo Soomaaliya bisha Abriil 2020, laakiin qorshayaasha waxaa carqaladeeyay aafada Covid-19. Ciidamada keydku waxay ka kooban yihiin askar si rasmi ah uga fariistay milatariga.

Ciidanka keydka waxaa la rumeysan yahay in ay ka kooban yihiin in ka badan 20,000 oo askari ah kuwaas oo hada ka amar qaata Gaashaanle Sare Charles Otema. Hawlgabyada hadda loo yeeray waxay ku qasbanaan doonaan inay qaataan afar bilood oo tababar milatari oo xoog leh si loogu diyaariyo hawlgallo culus oo milatari oo ka socda Soomaaliya oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamaya xoogaga xagjirka ah ee Al-Shabaab laga soo bilaabo 2007.

Xukuumadda Kampala ayaa si weyn waxay ugu faantaan in ciidamadeeda ay gacan ka geysteen in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Shuruudaha kale ee looga baahan yahay askariga keydka ah si loogu soo xusho howlgalka AMISOM waxaa ka mid ah; in da'daadu tahay 55-jir iyo wixii ka hooseeya, in aysan horey dambi u gelin iyo in ay haystaan aqoonsiga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM