Askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo xabsi lagu xukumay

Image
Image
Image
Image
Image

08 Octobar, 2015(GO)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Somalia ayaa maanta xukun dhan 10 sano ku riday aska ka tirsan dowladda.

Saddex ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa lagu helay sida maxkamadu sheegtay fududaynta maandooriye la geyn jiray magalada Muqdishu, waxaana maxkamadayntu ka dhacday magalada Jowhar.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay arrinka lagu xukumay saddexda nin.

Deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe, waxaa si qarsoodi ah loogu beeraa geedka Xashiishada, waxaan Gudoomiyaha gobolkaasi Cali Cabdullahi Xuseen  sheegay cidii lagu helo iyagoo beeraya in maxkamada la soo taagi doono.

Goob fagaaro ah ayaa sidoo kale lagu gubay maandooriye gacanta ku soo dhigeen ciidanka qalabka sida ee degmada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM