Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhimatay, saddex kale oo shacab ah waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib markii qarax uu aroornimada Khamiista maanta ah uu ka dhacay duleedka Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhashay miino lagu aasay nawaaxiga maqaayad ku taala degaanka Lafoole oo ay joogeen ciidamadda dowladda federaalka.

"Askarta oo wadatay dareeska milatariga waxay ka quraacanayeen mehradda. Aniga waxaan indhaheyga saarey meydadkooda, iyo dhaawaca saddex kale oo shacab ah," ayuu yiri goobjooge Cali Maxamed Nuur.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas. Baraha Internet-ka ee faafiya wararka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa wariyey in askarta la dilay ay ahaayeen saraakiil.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin falkaas. Balse markii uu qaraxu dhacay waxay tageen goobta, iyagoo sameeyay baaritaano aan saxaafadda lala wadaagin natiijadda rasmiga ah ee kasoo baxdey.

Shalay ahayd markii kolanyo ka tirsan ciidamadda AMISOM lagu qarxiyey degmadda Karaan. Hasayeeshee, lama soo warin khasaaro.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika xilli ay soo dhowaaneyso doorashadda baarlamaanka iyo madaxtinimadda oo aan wali lagu heshiin habraaceeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM