Askar lagu dilay saldhig la weeraray gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari boolis ah ayaa ku dhimatay kadib markii iska hor-imaad uu galabta ka dhacay degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan.

Isku-dhacaas socday dhowr daqiiqo, sidda ay wararku sheegayaan, ayaa ka dhashay weerar ciidamo milatari ah oo u abaabulan qaab maleyshiyaad ay ku ekeeyeen saldhiga booliska degmaddaas.

Ciidanka milatariga ayaa lagu waramay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe ayna ka amar-qaataan sarkaal ay dhowaan dowladda federaalka isku dayday in ay gacanta ku dhigto.

Sarkaalkaas ayaa waxaa hoos-taga ciidamo todobaadkii hore isku-rasaaseeyay gudaha degmadda Kaaraan iyaga oo isku haya dhul. Dhacdadaas waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen tobban ruux.

"Ciidamadda weerarka soo qaadey waxay ku guuleysteen in ay daqiiqado maamulaan saldhiga ayaga oo markii ay sii baxayeen horey u sii qaatay hubka askarta ay dileen," ayuu yiri qof si dhow ula socday xaaladda kaasoo sababo amni uga gaabsaday in magaciisa lasoo bandhigo.

Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Iyadda oo hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay tahay mid sareysa, asbuucyadii lasoo dhaafay gudaha Muqdisho iyo daafaheeda waxaa ka dhacayay isku-dhacyo ciidan oo dhiig badan uu ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM