Askar lagu dilay saldhig la weeraray gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari boolis ah ayaa ku dhimatay kadib markii iska hor-imaad uu galabta ka dhacay degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan.

Isku-dhacaas socday dhowr daqiiqo, sidda ay wararku sheegayaan, ayaa ka dhashay weerar ciidamo milatari ah oo u abaabulan qaab maleyshiyaad ay ku ekeeyeen saldhiga booliska degmaddaas.

Ciidanka milatariga ayaa lagu waramay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe ayna ka amar-qaataan sarkaal ay dhowaan dowladda federaalka isku dayday in ay gacanta ku dhigto.

Sarkaalkaas ayaa waxaa hoos-taga ciidamo todobaadkii hore isku-rasaaseeyay gudaha degmadda Kaaraan iyaga oo isku haya dhul. Dhacdadaas waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen tobban ruux.

"Ciidamadda weerarka soo qaadey waxay ku guuleysteen in ay daqiiqado maamulaan saldhiga ayaga oo markii ay sii baxayeen horey u sii qaatay hubka askarta ay dileen," ayuu yiri qof si dhow ula socday xaaladda kaasoo sababo amni uga gaabsaday in magaciisa lasoo bandhigo.

Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Iyadda oo hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay tahay mid sareysa, asbuucyadii lasoo dhaafay gudaha Muqdisho iyo daafaheeda waxaa ka dhacayay isku-dhacyo ciidan oo dhiig badan uu ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM