Askar ku naf-weyday qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Balcad - Ugu yaraan lix askari ayaa Arbacada maanta ah ku naf-weysay, afar kalana waxaa kasoo gaarey dhaawacyo markii miino ay ku haleeshay nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil u waramay Garowe Online oo wariyey in dhaawacyada baxbaano dheeriya loogu qaadey Muqdisho ayaa tibaaxay in laba askari oo kamid ahaa kolanyada ay ka badbaadeen weerarka.

Sidda ay wararku tilmaamayaan, gaariga ay wateen ciidamadda ayaa wuxuu ka baxay degmadda Balcad wuxuuna kusii jeeday degaanka Daniga oo dhowaan milatarigu ka sameystay saldhig.

"Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u booga dhayo. Miinada waxay ciidamada kula kacdey duleedka Galbeed ee magaalada Balcad. Lix kamid ah 12 askari oo la socotay baabuurka waxay ku shahiideen isla goobta, afar kalana waa dhaawac, labana way ka badbaadey. Dhaawacyada oo qaarkood xaaladoodu culus tahay waxaa si loo dhabiibo loo qaadey Isbitaalka Ciidanka Xooga ee Muqdisho," ayuu yiri sarkaal kaasoo magaciisa uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in uu la hadlo war-fidiyeenka.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa xustey dadka geeriyooday uu kamid yahay sarkaal sare balse ma shaacin magaciisa. Sidoo kale, waxay tibaaxeen gaariga la qarxiyey uu lahaa gudoomiyaha Balcad.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa warisay in gaariga uu ku burburay qaraxa oo uu ku dulmaray degaanka Basra oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

Gelinkii hore ee isla maanta, laba ruux oo shacab ah kuwaasoo lasoo wariyey in ay saarnaayeen mooto ayaa ku dhintay qarax miino oo kula kacdey isla degaanka Basra. Labadooda waxaa lagu qeexay "rag dhalinyaro ahaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM