Askar ku naf-weyday qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Balcad - Ugu yaraan lix askari ayaa Arbacada maanta ah ku naf-weysay, afar kalana waxaa kasoo gaarey dhaawacyo markii miino ay ku haleeshay nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil u waramay Garowe Online oo wariyey in dhaawacyada baxbaano dheeriya loogu qaadey Muqdisho ayaa tibaaxay in laba askari oo kamid ahaa kolanyada ay ka badbaadeen weerarka.

Sidda ay wararku tilmaamayaan, gaariga ay wateen ciidamadda ayaa wuxuu ka baxay degmadda Balcad wuxuuna kusii jeeday degaanka Daniga oo dhowaan milatarigu ka sameystay saldhig.

"Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u booga dhayo. Miinada waxay ciidamada kula kacdey duleedka Galbeed ee magaalada Balcad. Lix kamid ah 12 askari oo la socotay baabuurka waxay ku shahiideen isla goobta, afar kalana waa dhaawac, labana way ka badbaadey. Dhaawacyada oo qaarkood xaaladoodu culus tahay waxaa si loo dhabiibo loo qaadey Isbitaalka Ciidanka Xooga ee Muqdisho," ayuu yiri sarkaal kaasoo magaciisa uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in uu la hadlo war-fidiyeenka.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa xustey dadka geeriyooday uu kamid yahay sarkaal sare balse ma shaacin magaciisa. Sidoo kale, waxay tibaaxeen gaariga la qarxiyey uu lahaa gudoomiyaha Balcad.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa warisay in gaariga uu ku burburay qaraxa oo uu ku dulmaray degaanka Basra oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

Gelinkii hore ee isla maanta, laba ruux oo shacab ah kuwaasoo lasoo wariyey in ay saarnaayeen mooto ayaa ku dhintay qarax miino oo kula kacdey isla degaanka Basra. Labadooda waxaa lagu qeexay "rag dhalinyaro ahaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM