Askar lagu dilay qarax ka dhacay duleedka caasimada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Xoosh iyo Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in burbur xoogan oo soo gaarey gaariga uu ka dhashay qaraxa oo dhawaqiisa aad loo maqlay.

Mas'uuliyiinta degmada Dharkeenlay ayaa xaqiijiyey in ay weerarkaas ku geeriyoodeen saddex askari.

"Tirro kale waxaa la dhigay Isbitaalka halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo," ayuu yiri mas'uul amniga qaabilsan.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxa, iyagoo ka sheegtay guulo ay kamid tahay dil iyo dhaawac.

Sikastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo isgoysyada waaweyn ee magaalada laga soo galo ay ku sugan yihiin ciidamo kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeynayaan xaqiijinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM