Askari dilay ganacsade diiday "in uu Sigaar uga iibiyo lacag jeexan"
MUQDISHO, Soomaaliya – Carro xoogan ayaa ka dhalatay dil uu askari ka tirsan booliska Soomaaliya uu Talaadadii Muqdisho ugu geystay nin ganacsade ah kadib markii laga diidey in Sigaar looga iibiyo "lacag jeexan".
Marxuumka, Cumar Xasan Macalin, oo ahaa qof da' ah oo mehrad yar ku lahaa agagaarka isgoyska Ceelgaabta, degmada Xamar-jabab ee Muqdisho, ayaa ka biyo-diiday isku xoog oo askarigu ku dhaqaaqay.
Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, askariga oo dafay baako Sigaar ah waxaa isku duubay mulkiilihii mehradda. Kadib markii uu ku fashilmay isku daygaas, askariga wuxuu soo qaatay qorri kadibna wuxuu furay rasaas.
"Xabad kor ayuu ka marsiiyey, mid kalana afka ayuu kaga dhuftay," ayuu yiri Mahad Cumaas oo kamid ah goobjoogeyaasha lana hadlay Garowe Online.
Mahad oo xusay in uu goobta ku dhintay Cumar ayaa ku daray "ganacsadaha wuxuu dalbaday in laga bedelo laba kun oo Shilin Soomaali oo jeexneyd, askarigana wuxuu yiri 'lacagta miyaan sameeyaa?'".
Cumar Xasan oo horey uga soo shaqeeyay dekadda magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu ifka kaga tegay saddex caruur ah – wiilal iyo gabdho - iyo xaas.
Maamulka gobolka Banaadir oo cambaareeyay falkaas ayaa shaaca ka qaadey in gacanta lagu soo dhigay askariga gacan ku dhiiglaha ah, kaas oo kamid ahaa ilaaladda gudoomiyaha degmadda Shibis.
Taabit Cabdi Maxamed, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho oo walaac ka muujiyey beegsiga ciidanka ku hayaan shacabka oo isa soo taraya, ayaa ku sifeeyay wax aan la aqbali karin.
"Ma'ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareega Facebook.
Hay'addaha ammaanka dowladda federaalka ah ayuu cod dheer kaga codsaday in ay baaraan kiiskan lana maxkamadeeyo gacan ku dhiiglaha.
"Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan. Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan. Inaa lillaahi wa’inaa ileyhi raajicuun," ayuu kusoo xiray.
Taliska Booliska Soomaaliya oo xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askariga dilka geystay ayaa balanqaadey in uu cadaaladda mari doono.
Horaantii bishaan June gaar ahaan 8-deeda ayay ahayd markii askari ka tirsan booliska uu agagaarka isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan uu ku toogtay dhaqe Bajaaj markii loo diiday hal doolar oo laaluush ah.
GAROWE ONLINE