Askari gabar uu xiriir kala dhaxeeyay "ku dilay" Soomaaliya

Image

BAARDHEERE, Gedo – Rasaas uu furay askari ka tirsan milatariga Soomaaliya ee ku sugan magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dishay gabar dhalinyarro ahayd, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Warar kala duwan ayaa illaa iyo hadda kasoo baxaya sababta keentay in xabadda uu furo askariga, wallow ay baaritaano socdaan.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay GO in askariga uu xabadda ridday kadib muran ka dhashay ciyaal kaga cayaaray Mooto uu leeyahay.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in askariga iyo marxuumada, oo qoyskeeda ay diideen in la adeegsado magaceeda, uu ka dhaxeeyay xiriir isla markaana dhowaan uu "is-faham-waa uu soo  kala dhex-galay.

Cabdi Guhaad Maxamuud Macalin, madaxa dambi-baarista degmada Baardheere oo xaqiijiyey dhacdada iyo wararka ku xeeran, ayaa xusay in ay xaqiiqada ku ogaanayaan baaritaanka.

"In uu xabadda riddo ayaaba sharci darro ah, xitaa hadii aysan xabadda qof ku dhici lahayn maxkamad baa la saari lahaa, sababtoo ah waa sharci darro ah," ayuu ku daray, isagoo ka gaabsaday maxkamadeynta.

Ciidamada Soomaaliya ayaa xilliyada qaar ku lug-yeesha dhacdooyinka noocaan ah kuwaas oo ku badan magaalooyinka. Balse, gobolka Gedo waxaa kusoo batay arrimahan kadib askartii ay geysay dowlada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM