Askari ku dhintay iska-horimaad dhexmaray ciidanka Dowladda

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Is-rasaasayn maanta dhexmartay ciidanka Dowladda Somalia ayaa sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca mid kale.

Lama oga sababta keentay iska-horimaadka, balse labada ciidan ayaa kala ahaa kuwa sugayay amniga iyo ciidamo ilaalinayay shaqaalaha canshuurta uruuriya.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka suuqa Bakaaraha ee magalada Muqdishu, waxaana khilaafka labada ciidan keentay inay goobta yimaadaan ciidan saddexaad oo kala dhexgalay kuwaasi oo hakiyay rasaasta labada ciidan.

Dowladda Somalia weli kama hadlin arrinta ka dhacday Suuqa Bakaaraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM