Askari la diriray burcad-badeeda Soomaaliya oo xukun lagu ridday

Image

TORONTO, Canada – Darawal ka tirsanaa ciidamadda badda Canada ayaa sheegay in naxdin uu ka qaadey la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ay sabab u tahay in uu qabatimo fal-dambiyeedyadda, sidda ay qortay saxaafadda.

Spencer Sebastiampillai oo 46-jir ah ayaa hadalkaas ka sheegay maxkamad ku taala gobolka Ontario halkaasoo uu kasoo muuqdey isagoo ku eedeysan dhac uu ka geystay bangi maxlai ah sanadkii hore ee 2019-kii.

Sidda ay warisay saxaafadda Canada, eedeysanaha ayaa mudadii u dhaxeysay 2000 illaa 2001-dii wuxuu qeyb ka ahaa howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida ah.

Qareenkiisa Terrance Luscombe oo si lamid ah tibaaxay in kalyeentigiisa uu si lamid ah kasoo qeyb-qaatay musiibada diyaaradii Swiss Air ee 1998-dii ayaa xusay in uu wajahay shufta badeed aad u hubeysan.

"Wuxuu ka qeyb-qaatay daad-gureynta burburka diyaaradda Swiss Air halkaasoo ay ku geeriyoodeen 229 rakaab iyo shaqaalaheeda, wuxuuna ka qaadey naxdin badan," ayuu u sheegay xeer-beegtadda.

Iyaddoo aqbashay dhamaan dhibaatooyinka uu la kulma eedeysanaha, garsooraha maxkamadda haweenayda lagu magacaabo Colette Good ayaa ku xukuntay muddo afar sano oo xabsi ku hayn ah.

"Xataa hadii aadan hub waddan, in aad dhac u geysato bangi waa fal-dambiyeed khatar ah," ayay ku dartay, iyaddoo hoosta ka xariiqay in shaqaalaha bangiga ay saacadihii weerarka socday ay walwaleen.

Bishii November 21-keeda, sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii xukunsaha uu ku kacay falkaas. Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon waxay tusiyeen isagoo xiran ookiyaale oo shan kun Doolar u waydiinaya shaqalaha Bangiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM