Askari Mareykan ah oo ku dhaawacmay weerarkii Ballidoogle
MUQDISHO, Soomaaliya – Askari Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ay Isniintii ku ekeysay saldhiga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay shaacisay AFRICOM.
Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa Talaadada maanta ah war-saxaafadeed ku xaqiijiyey in askarigaasi laga daaweeyay xaaladiisa caafimaad ee lasoo gudboonatay kadib duulaankaas culus.
Gulufka oo baqradii dhacay ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxo qarxa iyo weerar toos ah oo dagaalameyaal ay ku beegsadeen xeradda oo 90 KM dhanka Galbeed kaga aadan magaaladda Muqdisho.
Mas'uuliyiinta dowladda ayaa sheegtay in la iska caabiyey weerarka, inkasta oo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay xustay in ay khaarijisay 100 askari, wallow aysan kala caddeynin hadii ay isugu jiraan dhinacyada.
AFRICOM ayaa tibaaxday in weerarka kadib duqeyn ay fulisay ay ku laysay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah, halka milatariga Soomaaliya uu ku adkeystay in uu khaarijiyey dhamaan xubnihii hujuumka soo qaadey.
"Duqeymihii is-difaacay ee kadib weerarka waxay ahaayeen hal; ma aysan ahayn sidii aan shalay sheegnay ee ahaa laba," ayuu ku daray bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.
Dhinaca kale, weerar cusub oo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu Isniinti 30-ka September 2019 uu ka fuliyay nawaaxiga degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha waxaa lagu dilay hal xubin oo AlShabaab ah.
Duqeyntan ayaa noqoneysaa tii 50aad oo kaliya sanadkan 2019 uu ay xoogaga Washington ku beegsadaan AlShabaab iyo Daacishta Soomaaliya; waana tiro ka badan howlgaladii sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii.
GAROWE ONLINE