Askari maxbuus ahaa oo "daryeel la'aan" ugu dhintay Xabsiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askari ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa u dhintay nabar uga soo baxay dhuunta, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed oo kala duwan. Xanuunkaas wuxuu haayey todobaadyadii dambe.

Cabdullaahi Caac oo geeriyoodey Sabtida maanta ah ayaa lagu waramay in uu u xirnaa dilka qof shacab ah. Wararku waxay sheegayaan in qoysaska ay ku heshiiyeen diyo, balse illaa iyo hadda sababta loo haystay.

Illo wareedyadda ayaa tibaaxaya in marxuumka uu ku jiray qol loogu talogalay 100 ruux oo la geliyey 162, arrintaas oo muujineysa halis badan.

Sidda ay warbixinadda qeexayaan, marxuumka ayaa laga diidey codsi ah in ay ehelkiisa daawo u soo iibiyaan maadaama jeelka ay oolin.

Maxaabiista qaarkood oo si hoose ula hadlay Garowe Online ayaa daboolka ka qaadey in ay mamnuuc tahay in maxbuus dibadda loogu qaado daaweyn, sababab la xiriirto in uu baxsado ama in uu banaanka ku geeriyoodo.

"Dhakhaatiirta in ay maxaabiista banaanka u qaadaan waxaa uga fudud in uu meesha ku dhinto, sababtoo ah hadii uu meesha ku dhinto meydka cidiisa ayaa la siinayaa, cidiis ayaa aasaneyso, isaga kaliya tiradaasaa laga rabaa [madaxaas madow]," ayuu yiri maxbuus sabab jira magaciisa uga qariyey.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan geerida maxbuuskan askariga ah oo kasoo baxay dhanka taliska xabsiga, mana ka jawaabin codsi.

Dhimshadan ayaa kusoo hagaageysa xilli todobaadkii hore uu Xabsiga Dhexe martigeliyey shaqaaqo galaaftay 15 kale, kuna dhaawacmeen 19 kale markii maxaabiis loo dusiyey bastoolad iyo bam ay weerar geysteen.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyadda qalalaasihii u dambeeyay ay wali ku jiraan xabsiga isla markaana aysan helin daryeel.

In ka badan 20 maxbuus oo ay haween ku jiraan ayaa loo xiray falkaas, kuwaas oo wajahaya baaritaan iyo su'aallo waydiin falkaas khuseeya.

Isbedel dhanka ciidamadda ah ayaa kadib dhacdadaas lagu sameeyay Jeelka. Sidda ay wararku sheegayaan, ciidankii horey u joogay waxaa kamid ah 600 kale oo laga keenay Koonfur Galbeed oo Asluubta aan ku jirin.

Ciidamadaas ayaa la aaminsan yahay in ay maxaabiista cadaadin jireen kana iibsan jireen daqiiqadaha adeegsiga telefoonada, arrintaas oo la aaminsan yahay in ay qeyb ka tahay waxyaabaha fududeeyay toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM